Akhriso: Taariikh nolaleedka Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Galmudug, ayaa Guddoomiye u doortay Dr. Maxamed Nuur Gacal, kaddib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Hoos Ka Akhriso Taariikhda Guddoomiyaha Cusub ee Maanta loo doortey Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

1966, ayuu ku dhashay Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud
• 1987, ayuu ka baxay Dugsiga Sare, Muqdisho

• 1988, ayaa qaatay Diblooma heer dhexe_ Machadka maamulka & maareynta Jaamacadda Carabta Ee Muqdisho

• 1995, ayuu shahaadada 1-aad ee Sharciga ka qaatay Jaamacadda Umudurmaan ee Sudaan

• 1999, ayuu ka qaatay Diblooma sare, Machadka maareynta masiobooyinka ee Jaamacadda Caalamigaa ee Afrika

• 2000, Ayuu Diblooma Sare ee Qaanuunka Guud ah ka qaatay Jaamacdda Al-neeleyn/Sudaan

• 2001, Ayuu Shahaadada 2-Aad oo maareynta Masiibooyinka ah ka qaatay Jaamacadda Caalimga ah ee afrika

• 2008, ayuu shahaadada 3-aad ee Sharciga ka qaatay Jaamacadda Umul darmaan ee Dalka Sudan.

DHANKA SHAQADA

Wuxu kasoo shaqeeyay Jaamacadda Muqdisho, soo noqday hormuudka kuliyada sharciga
2013-2014 wuxuu ahaa wasiru dowlaha arrimaha dibadda

2014-2016: wuxu soo noqday la taliye arrimaha dib u heshiisiinta Xafiiska PM
Ugu danbeyn, 2019 kii xubin guddiga dib u heshiisiinta DGGM, iyada oo Maanta loo doortey Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.