Duqeymo ka dhacay Degaanka Kuunyo-Barrow

Wararka naga soo gaaraya Gobolka shabeellada hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen degaanka Kunyo-barrow ee goobalkaas,

Duqeymahan oo ahaa kuwo culus ayaa lala beegsaday saldhigyada Kooxda Al-Shabaab ee degaankaas, waxaana jira warar sheegaya in goobta la beegsaday ay ku sugnaayeen xubno sare oo katirsanaa Al-Shabaab.

Ma jirto, wax war oo ku saabsan duqeymahan ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka shabeelada Hoose, oo kasoo baxay Dowladda Soomaaliya, iyo Ururka Al-Shabaab, waxaana uu imaanayaa iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay ay diyaarado dagaal duqeymo ka fulinayeen degaano ka tirsan gobolada dalka qaar oo ay maamulaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.