Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay K/AFRICA

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay Gudaha dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa caadiga ah ee Shaqo.

Kooxda ayaa weerartay muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Cabdifitaax Aweys Axmed, isaga oo ku sugnaa meel aan ka fogeen Goobtiisa Shaqada oo ku taalla tuulo hoostagta Magalada Cape town.

Kooxdii Burcada aheyd ee dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana dad ku sugan Koonfur Afrika ay sheegeen in meydka muwaadinka Soomaaliyeed mudo kadib goobta laga qaaday.

Dalka Koonfur Afrika ayaa sanadkii tegay ee 2019 waxaa lagu diley dadkii ugu badnaa ee Soomaali ah,waxaana jirin ilaa iyo hadda cid ka hadasha dilalka Soomaalida loogu geysanayo dalkaas.