Al-Shabaab oo war kasoo saartay qarax ismaadaamin ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho.

Saddex ruux ayaa ku dhimatay, halka 20 kale ay ku dhaawacmeen qaraxaas oo ka dhacay jidka Afgooye ee galbeedka Magaalada Muqdisho. Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira dhowr shaqaale Turki ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka, oo sida ay sheegtay ahaa mid ismiidaamin ah, oo lala beegsaday  goob ay ku sugnaayeen shaqaalaha Turkiga.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in goobta qaraxa uu ka dhacay ay ku sugnaayeen lix qof oo Turkish ah, ayna dhaawaceen afar ka mid ah, sida ay hadalka u dhigeen, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladaha Soomaaliya iyo Turkey, oo ku aadan qaraxa.

81 qof oo badankood shacab ahaa ayaa ku dhintay weerar 28-kii December ay Al-Shabaab ka fulisay isla waddadan, ayada oo 140 kalena ay ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab ayaa beegsata waddadan oo uu ka socdo dhimshada jid ay maal-gelineyso dowladda Qatar, waxaana qorshuhu yahay inay joojiso dhismahaas.