Axmed Madoobe oo booqday Dekedda Boosaaso iyo xarumo dowladeed (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo uu wehlinayo Madaxweynaha  Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa maanta booqday Dekeda weyn ee Magaalada Boosaaso iyo Xarumo kale oo Dowladeed.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa booqday goobo ay kamid yihiin Xarunta Wasaarada Dekedaha Puntland, Taliska saldhiga bartamaha ee Magaalada Boosaaso iyo Xarumo kale, iyagoo u kuur galaya sida ay shaqooyinku u socdaan, waxaana uu kormeerkan ayaa ahaa mid khibrad wadaag ah iyadoo Masuuliyiinta Kale ee Madaxweynaha la socotay ay la kulmeen dhigooda xarumahan ka howlgalaya.

Sidoo kale, Magaalada Boosaaso waxaa ka socda shirar saacado qaatay oo dhexeeya Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ay wehlinayaan xubno kamid ah labada Gole ee Dowladda, kaas oo looga hadlayo iskaashiga amniga, dhaqaalaha, Siyaasadda iyo xaalada Guud ee Soomaaliya, sida Doorashooyinka 2020/2021 iyo Dhameystirka Dastuurka KMG ah.