Axmed Madoobe: Puntland iyo Jubbaland way awooddaan inay dhisaan dowlad dhexe (VIDEO)

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), ayaa sheegay in Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee Puntland iyo Jubbaland uu daba dheeraaday, ayna sababtu tahay in mas’uuliyiinta Dowladda dhexe ee Soomaaliya ay doonayaan inay awoodda la wareeggaan.

Madaxweyne Axmed  Madoobe oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in hanaanka lagu dhisay Soomaaliya, burburkii kaddib uu yahay mid Federaal ah  islamarkaana Dowladda dhexe ee Soomaaliya ay doonayso in ay meesha ka saarto.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jubbaland Axmed  Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa  ugu baaqay dowladda dhexe ee Soomaaliya dib u heshiisiin dhab ah, waxaana uu tilmaamay in hadii taa ay sameyn weydo ay Puntland iyo Jubbaland awooddaan inay dhisaan dowlad dhexe.