Golaha xirfadlayaasha caafimaadka Puntland oo la daah-furay (Sawirro)

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa caawa Magaalada Garoowe ka daah-furay Golaha xirfadlayaasha caafimaadka Dawladda Puntland.

Golahaan oo ah mid Dastuuri ah, uuna xeerkiisa meel-mariyay Barlamaanka Puntland,  ayaa waxaa horey magacaabay Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana uu ka shaqeyn doonaa Hubinta ,Ruqsad siinta Diiwaangalinta ,Kormeerka,Tayaynta
Dhawrista iyo Ilaalinta xushmada Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Farax Xasan, ayaa soo dhaweeyay daah-furka golaha xirfadlayaasha caafimaadka Puntland oo ah mid dawli ah, waxaana uu sheegay in ka Wasaarad ahaana ay la socon doonaan shaqadooda, sidoo kalena ay ilaalin doonaan inaan lagu xad-gudbin xirfadlaha iyo xarumaha caafimaadka ee degaanada Puntland.

Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland oo daah-furka khudbad ka jeediyay ayaa bogaadiyay in caawa uu daah-furo golahan, isagoona ku amaanay Wasaaradda Caafimaadka ay ku guulaystay in la golahan uu shaqeeyo, lana daahfuro.