Kheyre oo amar ku joojiyay heshiis lagu hormarinayo Magaalooyin ay ku jiraan Garoowe iyo Kismaayo (Akhriso)

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa amar ku hakiyey fulinta heshiis maanta Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Howlaha Guud iyo Duqa Muqdisho, kaasi oo ku kacaya 112 Milyan oo dollar.

Mashruucan oo uu maal-galinaya Baanka Aduunka, ayaa qorshuhu yahay in lagu dhiso magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe, ayada oo magaaladiiba ay heleyso 28 milyan oo dollar.

Hase yeeshee qoraal kooban oo goor dhow kasoo baxay ra’iisul wasaare Kheyre, kaasi oo loo dusiyay Warbaahinta ayaa lagu yiri, “Iyada oo la tixraacayo amar ka soo baxay ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaa la hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada dowlad goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen wasiirka maaliyadda iyo qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda dowlad goboleedyada.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Dib u eegis ayaa lagu sameyn doonaa mashruuca, waxaana laga qeyb geli doonaa dhammaan dowlad goboleedyada”.

Wararka ayaa sheegaya inuu Kheyre ka carooday sababta Magaalooyinka Jowhar iyo Dhuusa-mareeb wax looga siin waayay Mashruucan, taas oo muujinaysa hanaanka qabyaaladeed ee uu lasoo baxay Ra’iisulwasaaruhu, waxaana uu go,aankiisu imaanaya xilli uu xun yahay xiriirka Villa Soomaaliya iyo Puntland iyo Jubbaland oo mashruucan qeybtooda ka helay.