Madaxweynayaal Afrikaan ah oo ka shiraya khatarta Daawooyinka sharci darada ah

Hoggaamiyaasha todobo waddan oo Afrikaan ah ayaa shir laba maalmood socday ku yeeshay maagalada Lome ee caasimada dalka Togo, shirkaas oo looga hadlay waxyeellada ay daawooyinta been abuurka ah u geysteen dadka.

Madaxweynayaasha dalalka Senegal, Uganda, Gambia, Niger, Congo Republic, Ghana iyo madaxweyaha dalka Togo Faure Gnassingbe oo martigeliyay shirka ayaa ka qeybgalay kulankan labada maalin socday.

Madaxweynaha dalka Togo ayaa sheegay in daawooyinka been abuurka ah ay yihiin khatar bini’aadanimo oo maalinlle ah, haseyeeshee lasoo gaaray haatan waqtigii wax laga qaban lahaa.

Dhanka kale khabiiro caafimaad ayaa sheegay in ilaalinta xuduudaha oo jilican ah iyo nidaamyada caafimaadka dawladaha Afrika oo daciif ah ay sabab u tahay in dad badan oo Afrikaan ah ay ku saamoobaan daawooyinka been abuurka ah.

Madax badan oo qaarkood horey xilal uga soo qabtay qaarada Afrika ayaa iyagana ku sugan magaalada Lome, waxaan kamida madaxa hay’ada caafimaadka aduunka WHO mr Tedros Ghebreyesus.