Madaxweyne Deni: DF Soomaaliya ma heyso tabar dhaqaale iyo mid amni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa sheegay in xubno kamid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ay farriimo u soo dirayaan odayaasha dhaqanka si looga soo hor-jeesto Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo.

Madaxweyne Deni oo ka hadlayay kulan qado ah oo uu ugu sameeyay duleedka Boosaaso, Madaxweynaha Jubbaland iyo Odayaash dhaqanka Gobalka Bari ayaa sheegay in aysan heynin tabar Dhaqaalle, mid Amni iyo horumarin midna, laakiin ay diyaar u tahay waxa dhisan inay burburiso oo meesha ka saarto.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka Magaalada Boosaaso adkeynta Ammaanka , iyo Midnimada Shacabka Boosaaso.