Muqdisho: 11 Ruux oo ku dhaawacmay weerar Bam-gacmeed

Ugu yaraan 11 ruux ayaa ku dhaawacantay Bambo-gacmeed lagu weeraray xalay guri ku yaalla Xaafadda Fagax ee degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir, sida ay kusoo waramaya Dadka degaanka.

Bambo-gacmeedka ayaa lagu weeraray Guri la sheegay in la isku yimaado, islamarkaana lagu caweeyo, kaas oo ay ku sugnaayeen dad isugu jira rag iyo dumar, waxaana la sheegay in Labo kamid Dadka dhaawacmay ay xaaladoodu aad u liidato.

Dadka degaanka ayaa sheegay in kooxdii ka dambeysay weerarkan Bam-gacmeedka ah ay goobta ka baxsadeen, Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaana gaaray goobta lagu weeraray Bambo Gacmeedka, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo.