Puntland iyo Jubbaland oo ka shiraya Doorashada 2020/2021 (Sawirro)

Shirka u dhexeeya Dowladaha Puntland iyo Jubbaland, ayaa hada ka socda xarunta madaxtooyada Puntland ee magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari, waxaana goobjoog ah Madaxweynayaasha Puntland “Dr. Deni” iyo Jubbaland “Axmed Madoobe”.

Shirkan oo ku saabsan iskaashiga labada dhinac ee arrimaha amniga, ganacsiga iyo horumarka guud, ayaa looga hadlaya arrimaha Siyaasadda dalka, sida Doorashooyinka, dib u eegista Dastuurka, Shidaalka iyo deeqaha lagu helo magaca Soomaaliya.

Kulanka ayaa la filayaa in marka uu soo gaba-gaboobo laga soo saaro War-saxaafadeed ku aadan waxyaabaha ay ku heshiiyeen labada dhinac.