Puntland iyo Shirkada CCECC oo macdan ka helay Gobalada Bari, Sanaag & Gardafuu

Shirkada CCECC ee Shiinayska ah iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada Puntland,ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay Macdan baaris ka waday Buuraha Calmadow ee Sanaag.

Wararka ayaa sheegaya inuu sahan ahaa hawlgalkan laguna xaqiijiyay Macdan fara badan oo halkaas dhex ceegaagta.

Wasiirada Puntland iyo Macdan baarayaasha Shiinayska ah waxay dib ugu soo laabteen Magaalada Boosaaso, iyagoo xogta Macdantaas u gudbin doona Xukuumada.

Al-Shabaab oo ka war helay baarista macdantaas, ayaa markii danbe gubay Gaari kuwa qoryaha la saaro ah oo markuu uga xumaaday Uulxaleed ay Qorigii kasii furteen ilaaladii la socotay Wasiirada iyo Macdan baarayaasha.

Sida xogtu tilmaamayso waxaa jira qorshe balaaran oo ay Dowlada Puntland wado,kaasoo Macdan looga baarayo Gobolada Bari,Sanaag iyo Gardafuu.

Shirkada CCECC ayaa mashaariic hormarineed ka wada degaanada Puntland, waxaana Madaxda Shirkadda CCECC iyo Xukuumadda Puntland ay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ku kala saxiixdeen Mashruuca dhismaha deked kalluumaysi oo casri ah oo shirkaddu ka hirgalinayso degmo Eyl ee gobolka Nugaal, taas oo aan la ogeyn halka Puntland ay ka bixineyso dhaqaalaheeda, balse la sheegay in Puntland ay ku bedelen doonto Macdan.