Bangiga adduunka oo uga digay DF Soomaaliya fara-gelinta Mashruuca SUPR 2

Bangiga adduunka ayaa waraaq digniin ah u soo diray Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas Og. laga siiyay Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha, waxaana uu Bangigu sheegay in laga doonayo Wasaaradda Maaliyadda Dowladda  Federaalka in sida heshiisku ahaa loo fuliyo Mashruuca SUPR 2, oo ah mid loogu talagalay Hormarinta Kaabayaasha dhaqaalaha ee Magaalooyinka istiraatiijiga ah ee Muqdisho, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo.

Qoraalka Bangiga, ayaa lagu xusay in dhaqaalaha gaaraya $112 Milyan ee dollar oo uu bangigu ansixiyay (9-12-2019), uu yahay wajiga labaad ee Mashruuca SUPR, laguna xoojinayo awooda Dowladaha Hoose ee magaalooyinkaas, balse uusan aheyn mid Siyaasadeed.

Sidoo kale, Bangiga adduunka ayaan weli kasoo jawaabin waraaq codsi ah oo uu xalay u diray Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Digniinta Bangiga adduunka ayaa kusoo aadaysa xilli uu sabtidii Ra’iisulwasaaraha XFS Xasan Cali Khayre uu hakiyay Mashruucan SUPR 2, saacad kaddib markii la saxiixay, waxaana uu Kheyre sheegay in Mashruucan dib u eegis lagu sameyn doono, lagana qeyb-galin doono magaalooyinka aan ku jirin (Jowhar & Dhuusamareeb), kuwaas oo Bangigu uu sheegay in wajigoodii kowaad uu bilaaban doono.