Ciidanka Jubbaland oo la wareegay degaano kamid ah J/Hoose

Ciidanka Daraawiish-ta Dowlad Gobaleedka Jubbaland oo ay wehlinayaan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB, ayaa dagaal kula wareegay deegaano dhowr ah oo ku yaalla Gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka Jubbaland.

Degaannada ay howlgalka kula wareegeen Ciidanka Jubbaland iyo kuwa DANAB ayaa waxaa kamid ah degaannada Araare iyo Maleeleey oo u dhow degmada Jamaame oo Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay muddoo ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Idiris Kuusow Sheekh Cabdi, oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadu ay ka war-heleen in Kooxda Al-Shabaab qorsheynayeen weeraro ka dhan ah, sla markaana howlgalkii ay sameeyeen ay kusoo qabteen waxyaabaha qarxa oo ay diyaarinayeen.

Howlgalkan wadajirka ah ee ay wadaan Ciidanka Jubbaland iyo kuwa DANAB, ayaa weli ka socda degaanada hoos-taga Degmada Jamaame oo Gobolka Jubbada Hoose, waxaana wararku sheegayaan in Ciidanku ay beegsanayaan goobaha Kooxda Al-Shabaab ay sugan tahay.