Diiwaan-gelinta Booliska Puntland oo bilaabatay (VIDEO)

Taliye Ku-xigeenka Booliska Puntland Gashaanle/Sare Bile Faarax, ayaa sheegay in xarunta guud ee taliska ciidamada booliska Puntland ee Garoowe ay ka bilaabatey diiwaan-galinta Ciidamada Booliska, isagoona intaas ku daray in sanadkii ay jirtay xukumada Madaxweyne Deni ay bixisay musharkii booliska.