Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug oo lagu dhawaaqayo

Xildhibaannada Cusub ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta yeelanaya kulankoodii ugu horeeyey tan iyo wixii ka dambeeyey doorashadii Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo dhacdey maalin ka hor.

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadli doonaana Arrimo dhowr ah,waxaana Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay sheegeen in Maanta ay ku dhawaaqi doonaan guddiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ay Xildhibaannada dhexdooda iska soo xuli doonaan.

Saacadihii la soo dhaafey waxaa Dhuusamareeb ka socdey kulamo xasaasi ah oo ay leeyihiin musharixiinta Madaxweynaha Galmudug iyo Xildhibaannada Cusub ee baarlamaanka Maamulkaas.

Ku dhawaad ilaa iyo 7 musharax ayaa u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka Galmudug, waxaana musharixiinta qaarkood ay walaac ka muujiyeen habka ay u socoto doorashada Galmudug.