Halkee mareysaa Diiwaan-gelinta Ciidanka Amniga Puntland ? (Sawirro)

Wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland ahna Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidamada Xasan Shire Cabdi oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Cabdisamad Maxamed Galan, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta iyo Abanduula-yaasha Ciidamada Daraawiishta ayaa maanta booqday Taliska Ciidamada Difaaca Puntland ee Bixin.

Madaxda ku hawlan saxida Ciidamada ayaa halkaasi kula la kulmay Saarakiisha iyo Ciidamada Taliska Bixin waxana ay kala hadleen habka diwaan galinta iyo tababar loogu furi doono Xerada 54aad ee Garoowe.

Waxaa xusid mudan in Taliska bixin ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Daraawiishta la geeyay Kooxaha Baarista Caafimaadka iyo Diwaan galinta Ciidamada Dawladda Puntland.

Dhamaan Ciidamada Dawladda ee ku sugan Gobolada Puntland waxa ay maridoonaan diwaan galinta habka casriga ah si loo ogaado tirada rasmiga ah ee Ciidmada Dawladda Puntland.