Maareeye cusub oo loo magacaabay Garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Axmed Siciid Yuusuf u magacaabay mareeye cusub ee Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay in magacaabista Mareeyaha cusub ee Garoonka caalamiga ah ee Magaalada Boosaaso, ay ku timid baahida loo qabo horumarinta Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Halkaan Hoose ka Akhriso Wareegtada xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.13 January 16, 2020, ku magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Garoonka Diyaaradaha Boosaaso

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Axmed Siciid Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=