Shirkadda Turkiga oo qalabkii dhismaha kasoo qaatay wadada Afgooye

Shirkada Turkiga ee ku Howlan dhismaha Wadada dheer ee Xiriirisa Muqdisho Iyo Afgooye ayaa maanta Qalabkeeda dismaha usoo daabuleyso Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inta badan qalabkii ay isticmaaleysay Shirkada Turkiga ee ku howlan dhismaha Wadada Xiriiirisa Caasimada Iyo Afgooye in loo daabulayo Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay inuu indhihiisa ku arkayay Gaadiidka qaada Xamuulka ama Gawaadirada waaweyn iyo kuwa Cagaf cagafta oo kusii jeeda Muqdisho.

Wararka aya intaasi ku daraya in Shirkada dhismaha wadooyinka ee Turkiga iney Sababa cabsi la xiriirta uga guurtay goobihii gaadiidkeeda yaaleen ama iney gabi ahaamba iska joojisay Dhismaha Wadada Xiriirisa Muqdisho Iyo Afgooye.

Al Shabaab ayaa kordhisay Weerarada ka dhanka ah Saraakiisha Iyo Shaqaalaha kale ee u dhashay Turkiga, kuwaa oo ka dishay kana dhaawacday Injineero.