Xil. Cali Gaab oo hor istaagay Qoraal ay soo saari lahaayeen Xildhibaanada BFS ee PL & JL

Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh (Cali Gaab), oo ay wehlinayaa Wasiirka kalluumeysiga XFS Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Wasiiru-dowlaha Maaliyadda XFS Maxamuud Xayir Ibraahim, ayaa hor istaagay War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saari lahaayeen Xildhibaanada BFS ku matala Degaanada Puntland iyo Jubbaland, kaas oo ka dhan ah talaabadii uu ku joojiyay Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre Mashuuraca hormarinta Magaalooyin ay kamid yihiin Garoowe iyo Kismaayo.

Qaraalka  ay diyaariyeen Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ku matala Puntland iyo Jubbaland, ayaa xambaarsan arrimo badan oo la xariira xogo daahsoon oo ku qotoma dagaalka beeleysan ee Dowladda Federaalku ku heyso labada degaan,  waxaana Ra’iisul wasaare kheyre uu arkaa mid quusin doona hadafyadiisa.

Wararka ayaa sheegaya in kulamo lagu joojinayo qoraalkan ayaa illaa xalay ka socda Muqdisho, waxaana jira ballanqaadyo lacageed oo kor u dhaafaya 1 Milyan oo dollar, kaas oo uu u ballanqaaday Kheyre in uu siinayo Xildhibaan Cali Gaab, hadii uu hor istaago War-saxaafadeedkan wadajirka ah.

Sidoo kale, Xildhibaanada labada dhinac ayaa ka biyo diiday dalab  ugu yimid Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Kheyre, kaas oo ku aadanaa hakinta mashruucan oo sumcad darro ku ah matalaadooda.

Qaar kamid ah Xildhibaanada kazoo jeeda Degaanada Puntland iyo Jubbaland ee diyaariyay War-saxaafadeedka ayaa inoo sheegay in hadii aan saacadaha soo socda la fasixin Mashruucan, uu soo bixi doono Qoraalkooda, aysana u joojin doonin danaha gaarka ah ee shaqsiyaadka uu hoggaamiyo Cali Gaab.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.