Ciidanka PSF-ta oo howl-gallo ka fuliyay degaano katirsan Gobalka Haylaan (Sawirro)

Ciidanka PSF-ta Dowladda Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay Howlgallo culus oo lagu xaqiijiyo amniga, ka fuliyay Buuraleyda iyo dhulka xeebaha ee Durduri iyo Ceelaayo ee Gobalka Haylaan, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka PSF-ta.

Qoraalka Ciidanka PSF-ta ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay, howlgallo Joogto ah oo Ciidanku ay ka wadaan buuraha Cal-madow oo ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaad katirsan Ururka Al-Shabaab.

“Ciidamada PSF waxay 24-kii saac ee la soo dhaafay hawlgallo amni sugid ah ka sameeyeen Buuraleyda iyo dhulka xeebaha ah ee degaanada Durduri iyo Ceelaayo ee gobolka Haylaan, Puntland, Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka PSF-ta Puntland.