Golaha Aqalka sare oo maanta ansixiyay Sharci muhiim ah

Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa Kulankooda caadiga ahaa ku yeesheen Magaalada Muqdisho,waxaana uu ahaa Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka iyo Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Guddomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibedda Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare-BFS Senatar Mohamed Osman Farah ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka
Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Wasiirka Wasaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaaal Maxamed Cusman iyo Xubno kale oo kasocda Wasaarada.

Guddiga Arrimaha Dibedda Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka.

Golaha Aqalka sare aya ansixiyey Hindise-sharciyeedkani. Waxaa soo xaadiray 32 Senatar,waxaa Ogaalada 31 Senatar,Wax diiday majirin , Waxaa ka aamusay majirin.
Ugu dambeyntii Waxan shirka soo xiray Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi.