Puntland iyo Jubbaland oo ka digay in la Siyaasadeeyo Mashaariic hormarineed (War-murtiyeedka)

War-murtiyeedkii kasoo baxay Shirka Iskaashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Puntland iyo Jubbaland, oo labadii Maalmood ee lasoo dhaafay ka socda Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirka Puntland iyo Jubbaland, ayaa looga hadlay xaalada Guud ee Soomaaliya, gaar ahaan Doorashooyinka 2020/2021, Dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Dowladda Federaalka, Khilaafka kala dhexeeya DFS, qeybsiga Kheyraadka dabiiciga ah iyo deeqaha lagu helo Magaca Soomaaliya.

Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ayaa qaadacay Hindise sharciyeedyada Batroolka iyo Saxaafadda ee ay ansixiyeen Golayaasha Dowladda Federaalka, waxaana ay digeen in la siyaasadeeyo Mashaariicda hormarineed ee caalamku uu siiyo Soomaaliya.

Sidoo kale, Puntland iyo Jubbaland ayaa ka hor-yimid sharciga Doorashooyinka heer Federaal ee ay ansixiyeen Golaha Shacabka BJFS iyo Hanaanka ay u socota dib u eegista Dastuurka KMG ah Dalka, waxaana ay ku baaqeen in wada-tashi ay isugu yimaadaan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, si looga heshiiyo halka dalku aadayo.