Qaraxyo waa weyn oo lagu qabtay Magaalada Boosaaso (Sawirro)

Ciidanka amniga ee sida gaarka ah tababaran ee Dowladda Puntland ee PSF-ta, iyo Ciidanka Booliska ayaa fashiliyay Qaraxyo lagu diyaariyay guri ku yaalla Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Qoraal goor-dhaweyd lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka PSF-ta,  ayaa lagu sheegay in qaraxyadan oo lagu diyaariyay guri ku yaalla aaga Masjidka Rashiid, la doonayay in lagu dhibaateeyo Shacabka Magaalada Boosaaso.

“Ciidamada PSF oo iskaashanaya Ciidamada Police  qaybta Gobolka Bari ayaa waxay ku guuleysteen inay Fashiliyaan Qaraxyo lagu diyaariyey Guri ku yaala Magalada Boosaso,qaraxaas oo loogu talo galay in lagu waxyeeleyo Shacabka Reer Puntland ee Magalada Boosaso” ayaa lagu yiri qoraalka Ciidanka PSF-TA.

Ciidanka PSF-ta Puntland ayaan qoraalkooda ku sheegin in la qabtay kooxdii qaraxan diyaarinayay, waxaana ay ugu baaqeen Shacabka Boosaaso iyo Guud ahaan kuwa Puntland inay la shaqeeyaan Ciidanka amniga si looga hor-taggo falalka Ammaan-darro ee ka dhanka ah.