Xubno kamid Al-Shabaab oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday J/hoose

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo  saartay duqeyn ka dhacday degaanka Bangeeni ee Gobalka Jubbasa Hoose, waxaana ay sheegtay in duqayntaas lagu dilay seddax xubnood oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab.

Duqeyntaas ayaa lala beegsaday xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay, iyadoona aysan wax ku noqon dad shacab ah, sida lagu sheegay Qoraalka Dowladda Soomaaliya.

Duqeynta oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka, Waana duqeyntii seddaxaad ee ay ka fuliyaan Soomaaliya intii lagu guda jiray sanadkan 2020-ka.