Axmed Madoobe oo dib ugu laabanaya Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), oo ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa lagu wadaa inuu maanta dib ugu laabto Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland,  kaddib markii ay soo gaba-gaboobeen shirar maalmihii ugu dambeeyay u socday Puntland iyo Jubbaland.

Shirarkan oo ay garwadeen ka ahaayeen Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana looga hadlayay Iskaashiga dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, Siyaasadd iyo xaalada Guud ee Soomaaliya,  waxaana War-murtiyeed kasoo baxay Isniintii digniin adag loogu diray Dowladda Federaalka, iyadoona sidoo kale dhinacyadu ay qaadaceen Sharciyada Batroolka iyo Saxaafadda oo ay ansixiyeen Golayaasha DFS.

Sidoo kale, Puntland iyo Jubbaland ayaa ka hor-yimid qorshaha Madaxda Dowladda Federaalka ku doonayaan inay ku qabtaan Doorasho qof iyo cod ah, waxaana ay si cad u sheegeen in aysan dalka ka dhici karin, maadama amniga Dalku faraha ka baxay, sidoo kalena aan la diyaarin jawi doorasho.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Madoobe uu qaban doono shir jaraa’id marka uu ka dago Magaalada Kismaayo, isagoona ka hadli doona shirarka Boosaaso uu kula yeeshay Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo waxa kasoo baxay.