Boosaaso: Guddoomiyihii hore ee Qandala oo caawa la dilay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso, ayaa sheegaya in caawa lagu dilay magaaladaas Guddoomiyihii hore ee Degmada Qandala ee Gobalka Bari.

Dilka Masuulkan oo lagu magacaabi jiray Jaamac Maxamad Quurshe, ayaa ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn kaalinta shidaalka ee lagu magacaabo Alladii oo ku taalla Bartamaha Magaalada Boosaaso.

Kooxda dilka geysatay ayaa ka baxsatay goobta, Ciidanka amniga Dowladda Puntland ayaana gaaray goobta uu dilku ka dhacay, iyagoona haatan wada howlgallo lagu baadi-goobayo kooxdii dilka geysatay.

Marxuum Jaamac Maxamad Quurshe, ayaa ahaa Guddoomiyihii Degmada Qandala xilligii ay qabsatay Kooxda Daacish, sidoo kalena waxaa uu kamid ah saraakiishii hoggaaminaysa Ciidankii dib ula wareegay degmadaas.

Dilka Guddoomiyihii hore ee Degmada Qandala caawa loogu geystay Magaalada Boosaaso, ayaa kusoo aadaysa xilli magaaladaas uu ku sugan yahay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.