Dhaawacyada Qarixii Afgooye oo loo qaaday Turkiga

Diyaarad ka timid Dalka Turkiga ayaa saaka ka qaaday Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho, dhaawacyada Shaqaalihii Turkiga ee ku waxyeeloobay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay Meel u dhow degmada Afgoooye shabeellada Hoose.

Tirada Dhaawacayada Turkida ahaa ee la qaaday ayaa gaarayay lix, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay xaaladooda caafimaad lagu baxnaaninayey Isbitaalka Erdogan, “Ex-Digfeer” ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaar kamid ah Ciidanka Dowladda Soomaaliya, ee qaraxaas ku dhaawacmay, iyagana loo qaaday dalka Turkiga.

Kooxda Al-Shabaab ayaa 18-kii Bishaan, qarax ismiidaamin ah kula beegsadey Bar-koontarool oo ku taalla Degmada Afgooye Shaqaalaha Turkiga ee u Shaqeynayey shirkadda dhiseysa Wadada xiriirisa Muqdisho & Afgooye, iyo Ciidamo ilaalo u ahaa, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.