Madaxweynaha Jubbaland oo ka duulay Boosaaso (VIDEO+Sawirro)

Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan booqasho ku joogay Magaalada Boosaaso  ee xarunta Ganacsiga Puntland, ayaa ka duulay Garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusii sagootiyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay wehlinayaan xubno katirsan Golayaasha Dowladda Puntland, maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, iyo Saraakiisha laamaha ammaanka.

Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Jubbaland ayaa magaalada Boosaaso kulamo kula qaatay Madaxweyne Deni, Isimada, Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana kulamadii ay wada yeesheen Madaxweynaha Puntland iyo Golihiisa Xukuumadda laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 16 qodob loogana hadlay iskaashiga Labada dhinac iyo Xaalada Guud ee Soomaaliya, iyadoona digniin loogu diray Madaxda Dowladda Federaalka.