Mareykanka oo war kasoo saaray duqeyn ka dhacday J/hoose

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee AFRICOM, ayaa war kasoo saaray duqeyn ka dhacday deegaanka Bangeeni oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose, halkaasoo howlgallo qorsheysan maalin ka hor ku qaadeen Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee DANAB.

War saxaafadeedka ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay saddex dagaalame ka tirsan Al-Shabaab, xilli ay isku dayayeen in Ciidamada Danab ku soo qaadaan weerar.

Taliska Mareykanka Afrika ayaa sheegay in Ciidamada Amniga Soomaaliya ay hoggaanka howlgalada leeyihiin, iyagoo kaashanaya Ciidamada AMISOM, si Kooxda ku xiran Al-Qaacida ee Al-Shabaab loogala wareego dhulka ay gacanta ku heyso.

Agaasimaha Howlgalada Taliska Mareykanka ee Afrika Gen. William Gayler ayaa sheegay in weerarkan cirka uu bartilmaameed u ahaa koox ka tirsan Al-Shabaab oo si toos ah khatar ugu ahaa Ciidamada iskaashanaya.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in hadafka guud ee weerarada cirka ay yihiin kuwo dowladda Federaalka Soomaaliya lagu caawinayo, si jawi ammaan ah ay u siiso shacabka Soomaaliyeed, kana hor-istaagto ururada Al-Shabaab iyo Daacish inay isku ballaariyaan Soomaaliya.