Puntland oo beenisay in Ciidamo katirsan ay ku biireen Somaliland (VIDEO)

Wasiirka duulista iyo garoomada Dowladda Puntland Xuseen Cismaan Gibiley, iyo saraakiil katirsan Ciidanka Puntland oo Warbaahinta kula hadlay Degmada Boocame ee Gobolka Sool, ayaa beeniyay in Ciidamo ay Somaliland kusoo bandhigtay dhowaan magaalada Laas-caanood ay yihiin Ciidamo ka goostay Puntland.

Masuuliyiintu ayaa sheegay inay Somaliland degaanka Boocame ka kaxaysatay dhallinyaro aan wax shaqo ah ku lahayn ciiddan, balse loo  galiyay darees kadibna Laas-caano lagusoo bandhigay.

Dowladda Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waday diiwaan-gelinta Ciidankeeda, iyadoo ku diiwaan-gelinaysa Habka casriga ah (Biometric), waxaana jiray saraakiil iyo Ciidamo ay wataan oo laga saaray Liiska Ciidanka Puntland, kaddib markii ay diideen inay kusoo xaroodaan Xeryaha Tababarada, si loo diiwaan-geliyo, sidoo kalena dib u habeyn iyo Hubin Caafimaad loogu sameeyo.