Boosaaso: Dad loo qab-qabtay dilka Guddoomiyihii hore ee Degmada Qandala

Ciidanka Booliska Gobalka Bari, ayaa howlgallo balaaran ka wada  Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, kaddib dil xalay loogu geystay Magaaladaas Guddoomiyihii hore ee Degmada Qandala ee Gobalka Bari.

Dilka Guddoomiye Jaamac Maxamed Quurshe, oo ka dhacay bartamaha Magaalada Boosaaso, ayaa waxaa ka dambeeyay koox hubeysan kuwaas oo goobta isaga baxsaday daqiiqado kahor inta aysan Ciidanka Boolisku soo gaarin.

Saraakiil kamid ah laamaha ammaanka Puntland ayaa sheegay in howlgalka inta uu socday lagu soo qab-qabtay Dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen Dilka Guddoomiyihii ee Degmada Qandala, iyo falal kale oo ka dhacay Magaalada Boosaaso, kuwaas oo haatan baaris ku socoto.

Ciidanka Booliska Gobalka Bari oo kaashanaya Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta, ayaa bilihii ugu dambeeyay howlgallo joogto ah ka waday Magaalada Boosaaso, waxaana 48 saac ee lasoo dhaafay fashilyeen Qaraxyo waa weyn oo lagu diyaarinayay guri ku yaalla mid kamid ah Xaafadaha Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugan Magaalada Boosaaso, isagoona halkaas ka wada kulamo ay qeyb ka yihiin Isimada dhaqanka Gobalka Bari iyo Ganacsatada, kuwaas oo looga hadlayo  xoojinta amniga Boosaaso oo xudun u ah jiritaanka Puntland iyo sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah Argagixisada oo dhibaatooyin ka geysta Gobalka Bari.