Howlgallo ka socda Magaalada Gaalkacyo (Sawirro)

Ciidanka Booliska Dowladda Puntland oo kaashanaya Ciidanka Dowladda Hoose, ayaa howlgallo lagu xaqiinayo ka wada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Howlgaladan oo ah kuwa 24 saac ee lasoo dhaafay ka soconayay Gaalkacyo, ayaa Ciidanku ku baarayaan gaadiid iyo guryaha ku yaalla qaar kamid ah xaafadaha Magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu soo qab-qabtay dad u badan dhalinyaro lagu tuhmayo inay qeyb ka yihiin falalka Ammaan-darro ee ka dhaca Gaalkacyo.

Taliyaha qaybta gobalka Mudug, Jaamac Maxamed Axmed, oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in howlgaladan ka socda magaalada Gaalkacyo, ay uga gol lee yihiin xaqiijinta amniga, isagoona intaas ku daray inay kusoo qab-qabteen Dad badan oo lagu tuhmayo falalka Ammaan-darro ee ka dhaca Magaalada.

Howlgaladan ka socda Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa imaanaya xilli muddooyinkii ugu dambeeyay laga deyrinayay amniga Gaalkacyo, oo ay kusoo bateen falal ay kamid yihiin ka ganacsiga Maandooriyaha, furashada moobilada iyo dhaca Gaadiidka Dadweynaha.