Madaxweynaha Puntland oo kulamo ka bilaabay Nairobi (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo gaaray Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladaas.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Nairobi kusoo dhaweeyay Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Kenya, Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo Masuuliyiin kale, waxaana uu intaas kaddib la yeeshay kulan.

Madaxweynaha Puntland ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi, kulamo la qaadan doona Safiirada Beesha caalamka ee Soomaaliya, oo ay ka wadahadli doonaan xaalada Guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021, sharciga Batroolka ee ay ansixiyeen Golayaasha DFS iyo qeybsiga deeqaha caalamku uu siiyo Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa la kulmi doona Xildhibaano kamid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Siyaasiyiinta diidan hab-dhaqanka Dowladda Madaxweyne Farmaajo.