Madaxweyne Deni iyo Ganacsade Bashiir Saalax Deer oo kulan albaabadu u xiran yihiin yeeshay (XOG)

Isimada dhaqanka Gobalka Bari ayaa xalay ku guuleystay in kulan fool ka fool ah uu dhexmaro Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, iyo Ganacsade Bashiir Cabdullaahi Saalax Deer, oo ah saamilaha ugu balaaran ee shirkadda PDG ee gacanta ku heysay Mashruuca Logistic, ee Ciidanka Badda Puntland ee PMPF.

Kulanka oo aha mid albaabadu u xiran yihiin ayaa qaatay saacado badan, waxaana diirada lagu saarayay xalinta muranka ka taagan Mashruucan, iyadoona ilo ku dhow ay sheegayaan in intii uu socday marar dhowr ah ku sigtay inuu fashilmo, balse ugu dambeyntii uu soo gaba-gaboobay is afgarad, laguna heshiiyay qodobo ay kamid yihiin;

1: In Boqolkiiba Konton Dowladu qaadato Shirkadii PDG oo ay wakiil unoqdaan,Xasan Deni,Daahir Ayaanle iyo Kilwe.

2: In Boqolkiiba Konton ganacsatada Bashiir Cabdullaahi Saalax Deer hogaamianayo ay qaadato saamiga Shirkada adeega Ciidamada Badda.

Sidoo kale, Weli ma cadda in magacii hore loo isticmaali doono shirkadda Mashruuca qaadaneysa (PDG), wararka ayaana intaas ku daraya in Mashruucan laga qadiyay kooxda Aaran-jaan ee garabka Madaxweyne Deni, taas rumowdo waji kale u yeelaysa xaalada Gobalka Bari, sida ay qabaan dadka ka falaado siyaasadda Puntland.