Australia: Shaqaalo Mareykan ah oo ku dhintay diyaarad burburtay

Shaqaalo Mareykan ah ayaa laxaqiijiyay in ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Australia.

Diyaaradan oo ka qayb qaadaneesay daminta dabka ka holcaya qaybo badan oo kamid ah dalka Australia ayaa lasheegay in qudheeda uu dab qabsaday.

Sadax ruux oo saarnaa diyaarada ayaa laxaqiijiyay in ay dhamaantood dhinteen iyadoona masuuliyiintu ay sheegeen in aysan jirin cid ka badbaaday.

Sababta loo aaneenayo bur burka diyaarada ayaa ah in ay dul mareesay buuraha barafka ee Koonfurta Wales. Muwaadiinta shilka diyaaradeed ku dhintay ayaana dhamaantood kasoo jeeda dalka Mareykanka.