Axmed Karaash oo la kulmay Garaad Kulmiye Garaad Dool (VIDEO+Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kulan soo dhoweyn ah kula qaatay magalaada Garoowe wefti Isimmo ah uu hogaaminayo Garaad kulmiye Garaad Maxamuud Garaad Wiil-waal, kuwaasoo kasoo kicitimay dowlad deegaanka Soomaalida.

Kulanka soo dhoweynta ah ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Isimo iyo masuuliyiin kale.

Weftiga Isimada ah ayaa safarkoodu daaranaa dhamaystirka Heshiis Beelo Walaalo ah oo 2 sano ka hor diriri ku dhexmartay deegaanka Dhumay ee Koonfurta gobolka Sool.