Baarlamaanka cusub ee Galmudug oo kulan deg deg ah la isugu yeeray

Guddoonka Cusub ee Baarlamaanka Galmudug ayaa Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulkaas waxaa uu isugu yeeray kulan deg deg ah oo dhacaya barqanimada maanta ah.

Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in farriin uga timid Guddoonka Baarlamaanka laguna wargeliyey in kulankaas deg dega ah ay soo xaadiraan kana soo qeyb galaan.

In kastoo ajandaha kulanka Maanta ee Baarlamaanka galmudug la isugu yeeray aan la shaacin ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan inay ka hadli doonaan Xubnaha guddiga doorashada Galmudug ee muranka uu ka dhashay.

Xaalka siyaasadeed ee Galmudug ee ku saleysan doorashada ayaa waxaa hareeyey khilaaf xoogan, waxaana hoggaana Ahlusunna oo diidan sida ay wax u socdaan ay kulamo kala duwna ku lee yihiin Xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb.