Bulshada rayidka oo ka walaacsan xiisadda Galmudug (Warbixin)

Waxaa wali ay dood ka taagantahay qabsoomidda doorashada madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, kaddib marki ay hannaanka doorashada kasoo horjeesteen Ahlu Sunna iyo qaar ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka.

Sidoo kale, waxaa hanaanka diidan madaxweynaha hadda xilka haya ee Axmed Ducaale Geelle Xafa oo ka laabtay heshiis uu horey ula galay dowladda dhexe, sida uu sheegay.

Ururada Bulshada Rayidka ah ee magaalada Muqdisho ayaa iyagana araktidooda ka dhiibtay, xiisadda siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashada madaxweynaha Galmudug.