Deni, Madoobe iyo Lafta-gareen oo isugu tagay NAIROBI

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa isugu tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasoo si kala gaar gaar ah u gaaray saddexdii maalin ee u dambeysay.

Wararka ayaa sheegaya in saddex Madaxweyne ay kulamo qarsoodi ah ku yeelan doonaan Magaalada Nairobi, kuwaas oo ay uga tashanayaan xaalada Guud ee Soomaaliya, gaar ahaan Doorashiyinka 2020 illaa 2021, sida ay inoo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in hadii dhinacyadu ay is afgarad ka gaaraan wada-hadalkooda ay kulan wadajir ah la yeelan doonaan Xubnaha Beesha Caalamka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, oo haatan kulamo gooni gooni ah ay la lee yihiin.

Lama oga, in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo garab u ah Dowladda Federaalka, uu ku biirayo xulufada Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo kasoo hor-jeeda Villa Soomaaliya, balse Dadka reer Koonfur Galbeed ayaa kasoo hor-jeeday Doorasho qof iyo cod ah oo ku saleysan degaan inay ka dhacdo Soomaaliya.