Garaad Kulmiye oo lagu soo dhaweeyay Garoowe (VIDEO+Sawirro)

Gudoomiyaha Golaha Wakillada Dawladda Puntland Mudane, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo ay wehliyaan Xildhibaano, Wasiiro & Isimada reer Puntland ayaa Dooxada Bixin ku soo dhaweeyay Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiil-Waal oo ka mid ah waxgaradka Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Waftigan oo uu hogaaminayey Garaad Kulmiye Garaad Dool Garaad Wiil-waal ayaa u yimid deegaanada Puntland dhamaystirka heshiiskii la dhex-dhigay beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay degaanka Dhumay ee Gobolka Sool.

Gudoomiyaha Golaha Wakillada Dawladda Puntland iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed, oo ka hadlay soo dhaweynta Garaad Kulmiye, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin imaanshihiisa Caasimadda Puntland iyo Guud ahaan degaanka.

Garaad Kulmiye Garaad Dool Garaad Wiil-waal, ayaa u mahad-celiyay Masuuliyiinta Dowladda, Isimada iyo shacabka soo dhaweeyay, isagoona sheegay inay muujinayso walaalnimada iyo darisnimada ka dhexeysa Dadka iyo Degaanka.

Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa qaabilay Waftiga Garaad Kulmiye Garaad Dool Garaad Wiil-waal.