Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay dib-u-eegis lagu sameeyay sharciga burcad badeedka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen dib-u-eegis lagu sameeyay Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka.

Ujeedda sharcigan ayaa ah tilmaamidda iyo nidaaminta dembiyada la xariira burcad-badeednimad iyo afduubka iyo xukunnada ka dhalanaya fal-debmiyeedyadaas loo geysto dadka, diyaaradaha, maraakiibta iyo doomaha isaga goosha xudduud badeedka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.

Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka ee Sharci Lr. 36 ayaa soo baxay Abriil 30, 1975.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay kulanka oo sidoo kale lagu meel mariyay heshiiska laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Rwanda ee duullimaadyada iyo heshiis is-dhaafsi xarumo Diblamaasiyadeed oo dhex maray Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Turkiga.