Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo QM oo ka wada-hadley doorashada soo socota (Sawirro)

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Magaalada muqdisho waxaa ay ku yeesheen kulan looga hadleyey Arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa kulamo joogta ah oo xog isweydaarsi ah lana xiriira doorashada qof iyo codka ah ee qorsheysan 2020, waxaana inta badan diirda lagu saareyey sida ugu macquusan ee arrimaha doorashada.

Sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa saaxiibada Soomaaliya iyo deeqbixiyeyaasha caalamka, waxaana looga hadlay qodobada muhiimka u ah doorashada ee ku jira sharciga doorashooyinka oo ay ku jirto matalaadda haweenka.