Jubbaland oo qaadacday Hanaanka doorashooyinka Qaranka (Akhriso)

War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda goboleedka Jubaland ayaa lagu qaadacday dhammaan hanaanka doorashooyinka qaranka, waxaana ay sheegtay in aysan jirin wax heshiis siyaasadeed ah oo laga gaaray arrimaha doorashooyinka qaranka ee 2020/2021.

“Waxay Jubbaland ogaysiinaysaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka, inta laga gaararayo heshiis siyaasadeed oo loo dhanyahay, in aysan ka qaban karin Jubbaland wax shaqo ah oo la xiriira doorashooyinka 2020-2021.” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Jubaland.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka Jubbaland ayaa lagu yiri“Waxaan la socod siinaynaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka in Dowladda Jubbaland ay diyaar u tahay in ay ka qaadato doorkeeda dastuuriga ah, si waafaqsan qaraarkii Baarlamaanlca Federaalka Soomaaaliya ee ku saabsanaa buuxinta kuraasta bannaan.”

Go’aanka kasoo baxay Dowladda goboleedka Jubaland ayaa caqabad weyn ka noqon kara hanaanka doorashooyinka qaran, waxaana la rumeysan yahay in sidoo kale Puntland ay qorsheyneyso inay hanaankan sidoo kale qaadacdo.