Madaxwayne Waare oo shaaciyey xilliga ay dhacayaan Doorashooyinka Hir-Shabeelle (VIDEO)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si rasmi ah uga dhawaaqay xilliga ay bilaabanayaan xulista Xildhibaannada labaad ee Baarlamaanka Maamulkaas iyo doorashada hoggaanka Sare ee Hir-Shabeelle.

Waare oo Baladweyne kula kulmay Safiirka Dowlada Sweden ee Soomaaliya Ambasador Staffan Tillander ayaa kala hadlay arrimaha doorashooyinka,waxaana uu sheegay in xulista Xildhibaananda Hir-Shabeelle ay bilaaban doonaan Bisha september ,sidoo kalena doorshooyinka Guud la guda geli doono Bisha Octoober.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in doorashada maamulka Hir-Shabeelle ay waqtigeeda ku dhici doonto,isla markaana Maamulka Hir-Shabeelle uu diyaar garoow ugu jiro sidii doorashadaas ay ku qabsoomi laheyd.