Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Xukuumadda Puntland ee Todobaadkan ? (VIDEO)

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa maanta shir guddoomiyaha kulanka khamiislaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland, kaas oo todobaadkan looga hadlay qodobo ay kamid yihiin Amniga Guud iyo u diyaar-garowga Xuska Halgankii Daraawiish-ta oo 100 sanno ay kasoo wareegtay.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dowladda Puntland Mudane Cali Xasan
Axmed (Sabarey), oo kulanku markuu soo dhamaaday ayaa sheegay in Xuska Halgankii Daraawiish-ta oo 100 sanno ay kasoo wareegtay, ay degaanada Puntland ka qabsoomi doonaan 25 bishan janaayo.

Sidoo kale. Wasiir Sabarey ayaa sheegay in kulanka Xukuumadda Puntland warbixino looga dhageystay Wasiiro, kuwaas oo ka warbixiyay howlaha shaqo ee Wasaaradahooda.