Pakistan oo ka dalbatay QM dhex-dhexaadinta iyaga iyo Hindiya

R’iisul Wasaaraha dalka Pakistan Cimraan Khaan ayaa Qaramada Midoobay ugu baaqay in dhax dhaxaadin loo sameeyo iyaga iyo dowladda Hindiya.

Labadan dal ee dariska ah kuna hubaysan hubka aadka wax u gumaado ee Niyukleerka ayaa waxaa ka dhaxeeyo muran dhuleed.

Ra’iiul Wasaare Khaan oo Arabacadiia ka hadlayay Shirka Dhaqaalaha Dunida ee Daafos, ayaa sheegay in lajoogo waqtigii Beesha Caalamka ay u isataagi lahaayeen wax ka qabashada xiisada kala dhaxeeso dalka Hindiya.

Xiisada u dhaxeeso dalalka Hindiya iyo Pakistan ayaa sara u kacday bishii August kadib markii dowladda Hindiya ay gobolka Kashmir kala laabatay hab maamuuskii uu sida goonida u lahaa.