Shir laga yeeshay Amniga Magaalada Muqdisho

Shirkaasi ayaa waxaa shir Gudoominayay Duqa Caasimadda Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) shirkaasi ayaa Waxaa looga hadlay Barnaamijka Bulsho bile oo ah baraamij cusub oo uu maamulka Gobolka Banaadir ugu talagalay in lagu xoojiyo Laguna dardargeliyo isdhaxgalka bulshada iyo dhiiragalinta soo bandhiga hal abuurka bulshada kunool magaalada Caasimadda ee Mogadisho.

Sidoo kale Shirka inta uu socdey ayaa waxaa looga hadley dardar galinta Nadaafada , bilic soo celinta caasimada iyo xoojinta Amniga caasimada,waxaana Guddoomiyeyaasha degmooyinka ay duqa Muqdisho uga warbixinyeen amniga Caasimadda iyo Shaqooyinka ay qabteen.

Ugu Dambeyntii Duqa Caasimadda ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa kula dardaarmay guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Agaasimiyaasha Waaxaha ee Dowlada Hoose ee xamar in ay dardargeliyaan ka shaqeeynta Horumarinta caasimada si cadaalad ah ugu adeegaan shacabka kunool Caasimadda.