Somaliland: Golaha Wasiirada oo ansixiyay sharci muhiim ah

Golaha wasiirrada Somaliland oo kulan ku yeeshay Magaalada Hargeyso, ayaa maanta ansixiyeen qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta, kaas oo lagu dabaqi doono illaalinta xuquuqda carruurta.

Sidoo kale, Kulanka Golaha wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa warbixin ku aadan waxbarashada dadka baahiyaha gaarka ah qaba looga dhegeystay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, golaha wasiirada Somaliland ayaana go’aamiyay in mudnaan gaara la siiyo.

Waxaa kale oo goluhu dood ka yeesheen qabyo qoraalka xeerka maalgashiga qaranka.

Ugu danbayntii, Golaha Wasiirada Somaliland ayaa dood iyo falaqayn ka yeesheen xaaladda guud ee ganacsiga, kala xadaynta ganacsiga, tayada ganacsiga, iyadoo loo saaray guddida dhaqaalaha ee goluhu inay warbixin buuxda ka soo diyaariyaan xaaladda ganacsi ee dalka.